Ololaha Uruurinta Cashuuraha Baaqday

icon - In Wacyi Gelin

Ololaha Uruurinta Cashuuraha Baaqday

Masuuliyiinta Fulinta ee Degmada Burco oo uu hogaaminayo Duqa Degmada Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero), wehelinayaan Maayir ku xigeenka Mukhtaar Cabdi Baaryare , Xoghayaha Dawlada Hoose, xildhibaano kamid ah golaha deegaanka degmada Burco , Agaasimayaal ayaa saaka ka bilaabay degmooyinka & xaafadaha kaladuwan ee degmada Burco Olole balaadhan oo lagu uruurinaayay Cashuuraha baaqday.

Ololahan Uruurinta Cashuuraha Baaqday ayaa saaka ahaa mid balaadhan iyadoona lagu ururinayay cashuuraha ku baaqday muwadiniinta degmada Burco.

Haddii aan beledku haysan,

Bulshooy kaabiyo dhaqaale,

Qabyadu way badanaysaaye,

Si baahida loo daboolo,

Si baylahda loo gufeeyo,

Burcana qayrkeed u dhaafto,

Muwaadin adoon la baaqan

Muwaadin adoon bakhaylin

U bixi hagar li'i cashuurta