Kulanka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

icon - In Kulamo

Kulanka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Maayarka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Burco, Mudane Maxamed Xirsi Axmed Iyo maayar-ku-xigeenkiisa, Mudane Suldaan Jaamac Nuux iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco.

Madaxweynaha Qaranka, ayaa hoggaanka cusub ee golaha deegaanka Burco ku bogaadiyey doorashadooda, waxana uu kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarinta degmada, lana yimaaddaan curin iyo dardargelin degmada loogu horseedayo barwaaqo iyo horumar.

Duqa degmada Burco & kux xigeenkiisa, ayaa dhankooda madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida miisaanka leh ee uu u qaabilay, waxana ay ballan qaadeen inay ka go’an tahay sidii ay Burco u gaadhsiin lahaayeen horumar waara, iyaga oo ka codsaday xukuumadda inay garab istaagto.

Xafiiska Warbaahinta D.H.B