Ololaha Nadiifinta Wadooyinka

icon - In Wax-Qabad

Ololaha Nadiifinta Wadooyinka

Ololaha Nadiifinta Wadooyinka oo ah mid habeen walba Dawladda hoose ku xaadho Jidadka magaalada, ayaa laga fuliyay xaafadda Qasabka ee degmada Maxamed-Cali Burco.

Ololahan oo ah mid joogta ah waxa xalay Dawladda hoose ee degmada Burco kala qayb qaatay kooxda barnaamijka GCD (Golden Cooperation and development Program),iyo qaybo ka mid shacabka deggen Xafadda.

Dawladda hoose ee degmada Burco waxay goor kasta u taagan tahay muwaadin bilicda iyo Nadaafada degmadeena.

 

 

 

Is Xilqaan Muwaadin