Ogaysiis ku saabsan xili roobadka

icon - In Wacyi Gelin

Ogaysiis ku saabsan xili roobadka

Muwaadin waxa ay kuugu baaqaysaa dawladda hoose inaad feejignaan muujiso isla markaana aad ka fogaato dooxyada, goobaha biyo mareenada ah, biraha laydhka iyo xadhkaha korantada

Ilaali muwaadin bed-qabka naftaada,caruurtada,hantidaada iyo Danta guud sida wadooyinka iyo goobaha dadwaynaha.

Sidoo kale dawladda hoose waxa ay uga digaysaa dadwaynaha meheradaha ganacsi Qashinka iyo walxaha la midka ah ee daadka la soo raaciyo iyadoona talaabo adag laga qadayo maharada iyo qofka lagu qabto.