Xilwareejintii Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Degmada Burco

icon - In Kulamo

Xilwareejintii Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Degmada Burco

Waxa si rasmi ah xilka Mayorka iyo mayor ku xigeenka degmada Burco ulakala wareegay Masuuliyiintii hore ee xilka soo haysay iyo Masuuliyiinta cusub.

Mayor ka cusub ee degmada Burco Mudane Maxamed Xirsi Axmed iyo Mayor ku-xigeen Suldaan Jaamac Nuux ayaa lagu wareejiyay Masuuliyada Degmada Burco iyada oo ay u balan qaadeen xildhibaanada iyo maamulkii horeba in ay la shaqayn doonaan.