Kalfadhigii 10aad oo weli u socda Golaha Deegaanka Degmada Burco.

icon - In Kulamo

Kalfadhigii 10aad oo weli u socda Golaha Deegaanka Degmada Burco.

Kalfadhigii 10aad oo weli u socda Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa saaka oo Khamiis ah ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Burco.

Fadhigan oo lagu lafagurayey qodobbadii ka Kalfadhiga ayaa waxa lagaga dooday isbarbardhigga qorshihii sannadka iyo miisaaniyaddii. Sidoo sidoo kalana caqabadihii sannadka iyo xalka caqabadahaas ee sannadka dambe.

Waxa kale oo la xisaabtan iyo su’aalo quseeya maammulka iyo qorshaha Dawladda Hoose lagu weydiiyey guddiga fulinta.

Sidoo kale waxa laga dooday samaynta habraaca maammuldaaddejinta maaraynta iyo ururinta qashinka magaalada.

Ugu dambayn kale waxa warbixin laga dhegaystay guddida khilaafaadka bulshada kuwaas oo soo bandhigay doorka xallinta iyo qaybgalka khilaafaadka maammul iyo degmo.

Allaa Mahad Leh.

Xafiiska Warbaahinta D.H.B